Go to main content Main menu

Ma ka fekeraysaa inaad Norway carruurtaada ula soo guurto?

Tilmaamahan waxay kaa caawin karaan inaad aad ugu diyaar garowdo?

Youtube: Ma ka fekeraysaa inaad Norway carruurtaada ula soo guurto?

Carruurtu waa inay badbaado ahaadaan

Xaqa ilmaha ee badbaadada iyo fayo qabka xaga guriga waa muhiim. Xaqan waxaa si adag loogu dhowraa bulshadda Norway: Waalidka waxay masuul ka yihiin hubinta fayo qabka carruurtooda, si kastaba ha ahaatee, jaarka, macalimiinta, booqdayaasha caafimaad iyo dadka waa wayn waxay tallaabo ka qaadi karaan tallaabo ku saabsan sida waalidku u koriyaan carruurtooda. Tani layaab bay ku noqon kartaa qoysaska caadaysatay in qoys kastaa ka masuul ahaado noloshooda, la’aanta masuuliyiinta ama dadka kale inay ku lug yeeshaan.

Haddii qof ka walaaco ilma jooga Norway, waa u caadi iyaga inay u oggolaadaan Adegyada Daryeelka Carruurta ee degmaddoodu taqaano. Adegyada Daryeelka Carruurta waa xafiis leh shaqaale taas oo qof kastaa uu caawimo u raadsado. Adegyada Daryeelka Carruurta shaqadeedu waxa weeye inay caawiso markaas ilmaha waxa uu si fiican ula noolaan karaa qoyskiisa.

Illustration: A couple sitting in a park, children playing in the background

Barashadda Noorwayjiyaanka waxay ka dhigi kartaa noloshaada maalin kasta ee Norway mid aad u fudud.

Waa muhiim in luqadda la barto. Haddii aad ku hadasho afka Norway, noloshaada maalin kasta way u sii fududaan doontaa labbadaba adiga iyo ilmahaaga. Dadka badankooda u guura Norway waxay is qoraan fasalo af Noorwayjiyaan ah. Degmadda aad u guurto waxay kaa caawin kartaa diiwaangelinta fasalka noocan ah.

Carruurtu inta badan waxay ku bartaan luqadda xaga dugsiga ama dugsiga barbaarinta. Waxaad baran kartaa qaar ka mid ah waalidka kale oo waxaad baran kartaa af Noorwayjiyaan badan. Markaad fahanto luqadda, waxay noqotaa mid aad kuugu fudud adiga inaad ka qayb qaadato nolosha ilmahaaga xaga dugsiga, ee saaxiibada iyo hawlihiisa ama kuweeda manhajka ka baxsan. Iyaddoon la xusin, inaad ku hadli karto af Noorwayjiyaan waxay aad u fududaysaa inaad shaqo hesho sidoo kale.

Way fududahay inaad xiisayso noloshaada Norway haddii adiga iyo ilmahaagu aad qayb ka tihiin buslahdda.

Dadka qaarkood waxay dareemaan cidlo marka ay ugu horayn yimaadaan Norway, qoys la’aan ama saaxiibada agtooda. Waxaa jira dariiqooyin kale oo looga qayb qaato bulshadda oo waxay fududaysaa in la barto dadka. Haddii aad xiisayso hawlaha bulshaddaada, xaga dugsiga ama dusgiga barbaarinta, waxaad heli doontaa dadka badan oo aad caawimo u raadsato marka aad taageero u baahantahay.

Inta ugu badan carruurta Norway waxay tagaan dugsiga barbaarinta, oo ilma kastaa waxa uu tagaa dugsiga ilaa da’da 16. Haddii aad ilma haysato, waxaa lagu waydiin doonaa inaad timaado kullanka dugsiga iyo dugsigaaga barbaarinta oo aad u araaco ilmahaaga dhakhtarka ilkaha xaga rugta caafimaad. Waa muhiim in labbadaba ilmahaaga iyo adigu aad wakhti buura ah timaadaan ballankiina.

Illustration: A child sitting under the table

Haddii kuwa kale ay ka walaacsanyihiin fayo qabka ilmahaaga, waxay ogaysiin karaan Adeegyada Daryeelka Carruurta.

Waxyaabaha ka dhigi kara dadka inay u fekeraan inaanu ilmahaagu wax wanaagsan samaynay waxay ka duwanaan kartaa waxaad caadaysatay. Waxa loo tixgeliyo korinta carruurta wanaagsan waxay ka duwanaan kartaa wadan ilaa ka kale. Falalka qaarkood ee la aqbali karo wadamada kale waxay ka soo horjeedi karaan sharciga Norway, marka falalka kale looga feero kuwa aan la aqbali karin. Xaaladaha qaarkood, Adeegyada Daryeelka Ilmaha waxay uu dejin karaa ilmaha meel ka fog waalidkiisa ama keeda.

Tusaalooyinka waxa ku kelifi kara dadka kale inay tallaabo qaadaan:

  • Ilmaha looma oggolaado inuu la joogo carruurta kale.
  • Waalidka waxay cabbaan khamri aad u badan ilmaha agtiisa ama waxay isticmaalaan maandooriye.
  • Ilmahu waxa uu baxaa inta badan goor dambe oo habeenka ah si ka badan carruurta kale.
  • Ilmahu ma haysto dhar ku filan, ama dhar ma haysto ku habboon jawiga hawada.
  • Waalidku waxay si xun ula dhaqmaan ilmahooda. Qanjiidhinta, wax ku dhufashada ama canaan iyo waxyeelo jidhka ah lama oggola gudaha Norway. Hanjabaada, qaylada dheer iyo caddhada aan la xakamayn karin sidoo kale waxay ku keliftaa dadka kale inay ugua warbixiyaan Adeegyada Daryeelka Carruurta.

Illustration: Two neighbours talking

Qoyska dhib ma ka haystaa guriga, waxay ka heli karaan caawimo

Ku noolaanshaha wadan cusub way adkaan kartaa. Waxaad dareemi kartaa in ilmahaaga ay aad ugu saamayn badan tahay dhaqanka Norway intii aad ka fekeratay, in ilmahaagu aanu ku dhegaysan doonin adiga ama inay adagtahay in la fahmo sida bulshadda Norway ay u shaqayso.

Ma kugu adkaataa inaad garato kuwa ay yihiin sharciyada iyo xeerarka lagu dabaqayo, iyo waxa loo tixgeliyo daryeel waalid oo wanaagsan gudaha Norway? Haddii ay sidaas tahay, waxaad waydiin kartaa qof aad aaminsantahay, sida saaxiib, macalin ama laga yaabaa shaqaalaha dugsiga barbaarinta .

Adegyada Daryeelka Carruurta sidoo kale waxay kaa caawin karaan adiga iyo qoyskaaga marka ay dhibaato kaa haysato guriga. Adegyada Daryeelka Carruurta waxay halkan u joogaan inay caawiyaan qoyskaaga markaas ha la kayrkayrin inaad nala soo xidhiidho marka aad u baahantahay!

Akhri waxbadan oo ku saabsan nolol cusub gudaha Norway.